Guguurte oo isku diyaarinaya weerarro ka dhan ah xarumaha mucaaradka ee Muqdisho.

Sunday October 11, 2026 - 17:53:40
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay boqolaal askari oo daacad u ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu daadgureeyay xaafado katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaas oo ay ku suganyihiin siyaasiyiinta ugu sarraysa kooxaha mucaaradka ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan guutada 77 ee ilaalada madaxtooyada lagu daadiyay dhammaan jidcadayaasha soo gala guryaha Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Ciidamadan oo qaarkood laga qaaday degmada Ceeldheer iyo deegaanka Masagawaay ayaa loo xilsaaray in ay qeyb ka noqdaan howlgalka lagusoo afjarayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wararka ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka katirsan kuwa loogu yeero Nabad sugidda ay qeyb ka noqon doonaan howlgalka.

Warsaxaafadeed maanta gelinki dambe kaso baxay taliska sirdoonka ayaa si hordhac ah marmarsiimo loogu sameeyay duullaanka lagu qaadayo guriga Shariif Sheekh Axmed waxaana lagu eedeeyay in ilaaladiisu ay weerareen ciidamo sirdoonka katirsan ayna sameeyeen xadgudubyo iskadaba joog ah.

Shariif Sheekh Axmed oo isna war soo saaray ayaa sheegay in uu isku diyaariyay iska difaacidda weerar kusoo qaadi doono Xasan Gurguurte isagoona ka digay in weerarkaas uu isku bedeli doono dagaal magaalada oo idil ku fida.

Sababta xilligan kusoo aadiyay weerarka loo qorshaynayo guryaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu sheegay olole ballaaran oo Xasan Sheekh ugu gogol xaarayo in uu markale 5 sano oo hor leh isku caleemasaaro madaxtinimada DF-ka.

FG: Kusoo biir telegram-ka cusub ee SOMALIMEMO:

Related Items

Update cookies preferences